BAYDHABO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ayaa kulamo wada-tashi ah ka bilaabay gudaha magaaladaas oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay warbixin ka dhageystay saraakiisha ammaanka ee ka howl-gala deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo faah faahiyey howlgallada ka socda gobollada Sh/Hoose, Baay & Bakool.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa inuu maanta qaabilo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo uu kala hadli doono dardargelinta doorashoooyinka ka socda dalka.
Rooble ayaa degmada Baydhabo u tegay ka qeyb-galka munaasabad lagu maamuusayo saddex sano guurada kasoo wareegtay doorashadii Lafta Gareen.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

