BOOSAASO (SMN) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday inay aad u ga walaacsan tahay dagaalka Boosaaso, waxayna intaasi ku dartay in xiisaddan ay fursad siineyso argagixisada.
Sidoo kale qoraalka taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada PSF-ta ay yihiin kuwa ugu awooda badan, loona dhisay la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan dhulka buuraleyda gobolka Bari ee maamulkaasi.
“PSF waa ciidanka ugu awoodda badan ee Puntland u jooga la dagaalanka argagixisada. waxaan ka walaacsanahay in iska hor imaadyadani ay hoos u dhigaan awoodda PSF-ta iyo in kooxahan argagixisada ah ay fursad u helaan in ay ka faa’ideystaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Boosaaso ayaa waxaa weli ka taagan xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii uu Saciid Deni ku sameeyey taliyihii PSF-ta maamulkaasi, waxaana magaalada ka barakacay qoysas badan.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

