Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay Afgooye + khasaaraha

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan ay weerar ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dabley hubeysan ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Masjidka Raqayle oo ku yaalla halkaas, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dableyda weerarka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana goor dambe meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamada ammaanka.

Inta badabn degmada Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhaca weeraro ay ka fuliso Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here