Madaxweynaha HirShabelle oo kulan la yeeshay waxgaradka Hiiraan + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kulan kula qaatay qaar kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka Hiiraan.

Cali Guudlaawe oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Waxgaradka ayaa ka dhagaystay tabashooyinka ay qabaan iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta kala dhaxeysa dawlad goboleedka Hirshabeelle, Isaggoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka bulshadda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka dooorkii muuqday ay ku lahaayeen aas aaska Hirshabeelle iyo garab istaaga muuqda ay la garab joogaan maamulka, waxaana uu balan qaaday inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Hirshabeelle.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here