Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka CC Shakuur, Saadaq Joon iyo Kulane?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kulan la yeeshay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Saadaq Joon iyo Cabdullaahi Kulane, kuwaas oo loo doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa is cafin, si markaasi loo dhammeeyo khilaafka u dhexeeyey saddexdan xubnood, kaas oo daba socday weerarkii hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Qoo Qoor oo isagu si foolka fool ah isugu keenay xubnahan ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here