Wasiirka qorsheynta maamulka Galmudug oo shaaciyey inuu is-casilay

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdinaasir Geelle ayaa shaaciyey inuu is-casilay, isla-markaana uu is casilaadiisa u gudbiyey madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Cabdinaasir Geelle ayaa sidoo kale sheegay inuu dib faah faahin uga bixin doono sababta uu isku casilay.

Waa wasiirkii labaad ee iska casilay golaha wasiirada Galmudug, waxaana Geelle ka horreeyey wasiirkii amniga maamulkaasi, Axmed Macalin Fiqi oo shaqada isaga tegay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Bismilaah,

Waxaan maanta u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wasiirka  Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug.

Waxaan gadaal kasoo faahfaahin doona sababta keentay iscasilaadeyda oo aan ku faahfaahin doono shir jaraaid.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhamaan heyadaha Dowladda Galmudug iyo shacabkeeda. Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalmiga sida hagar la’aanta eey iila shaqeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here