Wasiirka arrimaha dibadda oo wada-hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan Mudane Jeyhun Bayramov.

Wasiirada ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda ku lafo-guray sidii ay labada Dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay labada dal u leedahay horumarinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee labada Shacab iyo labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here