Taliska booliska oo ka warbixiyey weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qaraxyadii iyo weeraradii tooska ahaa ee xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Kaxda oo lagu beegsaday saldhigga degmadaas uu khasaare kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhismaha saldhigga.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamo gurmad ah ay gaareen goobta inta uu dagaalka socday, isla-markaana ay soo afjareen weerarka oo ku billowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

“Weerarka ka dhacay degmada Kaxda waxaa waxyeello kusoo gaartay dad rayid aah iyo dhismaha Saldhigga Degmadaas, Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxaha weerarka soo qaaday” ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliiska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay weerarka labaad oo isna qarax ku billowday, kana dhacay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in dad isugu jiro askar iyo shacab ay waxyeelo kasoo gaartay weerarkaasi, kuwaas oo ay ku jiraan laba gabdhoow oo yaryar.

“Daarusalaam weerarka ka dhacay waxa ay waxyeello kasoo gaartay ilaa 16 ruux oo Shacab ah oo dhaawac soo gaaray, waxaana u xannuun badan ilaahaye ha u naxariistee labo Gabdhood oo yar, saddex Askari oo Booliis, Miliatari iyo kooxaha ka shaqeeya nabad-galyada ayaa waxyeello ku gaartay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Xaaladda guud ee Muqdisho ayaa maanta deggan, walow xalay caasimadda laga dareemay qal-qal oo la xiriira weeraradan oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here