Sawirro: Rooble oo kulan la yeeshay hay’adaha amniga & taliska AMISOM

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xooninta amniga Dalka, la dagaalanka Al-Shabaab , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho  iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha J.F  Soomaaliya.

Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here