Sawirro: Xildhibaano cusub oo lagu doortay magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Maxamed Cabdulraxmaan Nadiif, ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP124, iyadoo kursigan uu dhaliyey loolan aad u adag.

Xildhibaankan ayaa ku fadhiyey kursigan intii u dhaxeysay sanadihii 2004-tii illaa iyo 2012-kii.

Wuxuu xildhibaan kasoo noqday dowladdii Kumeel gaarka aheyd ee lagu soo dhisay shirkii Mbagathi ee dalka Kenya.

Afarii sano ee u danbeysay kursigan waxaa ku fadhiyey Cabdulraxmaan Kulmiye Xirsi “Cabdulraxmaan Dheere”.

Sidoo kale Weriye hore Axmed Maxamuud Jaamac ayaa maanta cod aqlabiyad ah loogu doortay magaalada Kismaayo, isaga oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP029.

Xildhibaanka cusub ayaa muddo dheer ka mid ah warbaahinta dowladda ee Jubbaland, gaar ahaan Jubaland TV iyo warfaafinta madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here