BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo war kasoo saaray qaraxyadii xalay ka dhacay Beledweyne ayaa si adag u cambaareeyey weeraradaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab.
Cali Guudlaawe ayaa marka hore tacsi tiraanyo leh u diray xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee geeriyooday, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad.
Sidoo kale wuxuu faray laamaha amniga Beledweyne inay dabagal iyo baaris qoto dheer ku sameeyaan weeraradaasi oo ku soo aaday xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah.
Halkan hoose ka aqriso:
INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aad u cambaareeyay falkii argagixiso ee caawa ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xilibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xilibaan hore Cali Cabdi Dhuxul Masuuliyiin iyo dad shacab ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadowga argagixisada ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee caawa waxa uuna alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.
ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan falkii caawa dhacay.
-DHAMAAD-