Guudlaawe oo qaabilay gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka

0

BELEDWEYNE (SMN) -Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne kula kulmay Gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Wasiir Arrimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo howlwadeena Xafiiska Madaxweynaha waxaana gudiga ay ka warbixiyeen u jeedka ay u yimaadeen Magaalada Beledweyne oo ahaa xaqiijinta Soohdinta ay wadaagaan Dowladaha Hirshabeelle iyo Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada qaran ee gudiga waxa uuna faray Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay kala shaqeeyaan fududeynta howshooda shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here