Golaha Ammaanka oo Ansixiyey Howlgalka ATMIS ee beddelaya AMISOM

0

NEW YORK (SMN) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM (Somalia) ,lagu badallo  hawgalka cusub ee nabad ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS

Codeynta qaraarkaan ayaa ka dhigan in howlgalka Amisom oo gaaraya illaa 20,000 oo isugu jira militari, boolis iyo shaqaale rayid ah, la doonayo in dalka ay uga baxaan mudada labada sano ee soo socota.

Hawlgalkaan cusub ee ATMIS oo bedelaya hawlgalka AMISOM oo wakhtigiisu ku ekaa shalay, ayaa ka shaqayn doona inuu u diyaariyo laamaha ammaanka ee Soomaaliya inay la wareegaan masuuliyadda amniga dalka.

Bishii hore, ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu taageeray sii socoshada hawlgalkan, isaga oo ku taliyey in hawsha dhimista Amisom loo qaybiyo illaa afar weji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here