Wasiir Bayle oo kulan la yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka

0

RIYADH (SMN) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka boqortooyada Sacuudiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islamka Dr. Maxamud Al-Jasser iyo Agaasimaha Guud ee sanduuqa dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada dalalka carabta Dr. Badar Alsaad.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada-hadleen mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo doorka hannaanka dayn cafinta Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa uga mahad celiyay kaalinta dalalka Carabta iyo Dalalka soo kabashada dhaqaalaha iyo dib habeynta maamulka maaliyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here