R/Wasaare Rooble oo war kasoo saaray hoobiyeyaashii lagu garaacay xarunta BF

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray weerarkii hoobiyeyaasha ee ay maanta Al-Shabaab ku qaaday xarunta Baarlamaanka.

Rooble ayaa marka hore cambaareeyey weerarkan, wuxuuna tilmaamay in la doonayey in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.

Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here