Dagaalka ka socda magaalada Dhuusamareeb oo xoogeystay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca saaka  ku soo qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana halkaas hadda ka socda dagaal culus.

Ahlu sunnw waxaa la dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga.

Dad deegaanka ah ayaa sheegay in haatan dagaalka xooggiisa uu  ka socdo xarunta Inji, xero gadiid, madaxtooyada, cisbitaalka guud iyo saldhigga booliska.

“Marba dhinac ayaa la riixayaa oo weli xabbadu way socotaa. Mana jirto cid ku adkaatay ilaa hadda dagaalka,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka Dhuusamareeb, waxaana xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Xalay ayaa magaalada waxaa ka jirtay cabsi dagaal kadib markii la ogaaday in xooggaga Ahlu Sunna ay ka soo dhaqaaqeen farriisinkooda deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM waqooyi uga beegan Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here