Ciidamada Booliska Somalia oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Dayniile + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey nawaaxiga aargada degmada Dayniile, iyada oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka iyo maamulka Dayniile ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa ka hortegga falalka amni darrada ah, burcadda, ciyaal weerada iyo maan-dooriyaha.

Taliyaha saldhiga,qeybta galbeed ee Booliska gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Kheyre (Ganey) oo ka warbxiyey howlgalka ayaa sheegay in sidoo kale ciidamada ammaanka ay soo qabteen kooxihii ka dambeeyey qaraxii shalay ka dhacay degmada Dayniile, kaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya & qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Dhankiisa guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdishakuur Abuukar Macalin oo hadal siiyey warbaahinta ayaa tilmaamay inay socon doonaan howlgallada lagu sugayo amniga guud.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgallo joogto ah, waxaana dhinac kale bar-bar socda falalka amni darrada ah ee ka dhacaya caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here