KISMAAYO (SMN) – Duqeyn ka dhacday gobolka Jubadda Hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka amniga ah.
3-Juun 2022 dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika oo iska kaashanaya ayaa howlgal dhanka cirka ah wax ay ka fuliyeen deegaanka Beer-xaani ee gobolka Jubbada Hoose.
Duqeynta ayaa lagu dilay shan ka mid ah xoogaga Al-shabaab, iyadoo aysan jirin wax Khasaare ah oo gaaray dad shacab ah.
Howlgalkan ayaa looga gol-leeyahay sidii looga hortagi lahaa qatarta Al-Shabaab, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.