Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Sool

0

BOOCAME (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay degmada Boocame ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca saddex kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada qof ay geeriyootay ay ahaayeen isku qoys, gaar ahaan walalaalo, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka aan la hadalnay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka dhaawacyada ah loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka Sool ayaa soo laa laabtay, waxaana ay inta badan salka ku hayaan murano ka dhashay dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here