XOG: Villa Soomaaliya oo casuumaad u fidisay hoggaanka SSC-Khaatumo

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay casuumaad u fidsay qaar kamid ah hoggaanka sare ee SSC ee ku sugan Laascaanood.

 

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad gaar ah u diray Garaad Garaad Cali iyo odayaasha kale ee ku sugan Laascaanood, si ay uga wada-hadlaan xaaladd Sool, gaar ahaan dagaallada u dhexeeyo Somaliland iyo SSC.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in wadahadalladan uu qayb ka noqon doono ergeyga madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Lama oga jawaabta rasmiga ah ee ay hoggaanka SSC-Khaatumo ka bixin doonaan casuumaada ay fudisay madaxtooyada Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay labada dhinac ayaa diiradda saari doono arrinta laasacaanood, maadaaam dagaalka ka socda magaaladaas uu galay dhowr bil oo xiriir ah.

Dowladda federaalka ayaa horay taageero ugu muujisay odayaasha dhaqanka ee Laascaanood, tan iyo markii uu kacdoonka ka billowday magaaladaasi.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa gurmad u dirtay Laasacnaood, si ay garab Istaag ugu muujiso shacabka ay dhibaatada kasoo gaarta colaadaasi.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda haatan u dhexeysa Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama xukuumadda Hargeysa ay dhowr jeer dhaliilo u soo jeedisay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here