GAROOWE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo duleedka magaalada Garoowe ee gobolkaasi.
Xiisadda ayaa timid, kadib markii ciidamada booliska Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka yimid dhinaca Laascaanood ay xalay ku dagaalameen bariga magaaladaasi.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada PMPF ee Puntland, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale.
Ciidamada Puntland oo waday agabka doorashada ayaa la kulmay weerar ay kusoo qaadeen maleeshiyaadka hubeysan oo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaas, isaga oo sheegay in laga soo abaabulay magaalada Muqdisho.
Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay doorashooyinka golaha deegaanka ee maamulkaasi, kuwaas oo ay isku hayaan xukuumadda iyo mucaaradka.