Maamulada oo laga dalbaday inay mowqif ka qaataan arrinta Laascaanood

0

MUQDISHO (SMN) – Senator Cabdullaahi Xirsi (Tima Cadde) guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare ayaa si adag uga hadlay xiisadda colaadeed ee weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Tima Cadde ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku eedeeyay inuu dad shacab ah ku xasuuqayo gudaha magaalaea Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu diiday dadaal kasta oo lagu joojin lahaa dagaallada ka socda halkaasi, si wadahadal iyo deganaan loogu dhammeeyo xiisadda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ayaa sidoo kale xusay in madaxweynaha Soomaaliya uu xiriir la sameeyay Muuse Biixi, isla-markaana uu kala hadlay joojinta dagaalka, balse uu ka biyo diiday, sidoo kale uu gacan seeray dalabka beesha caalamka.

Dhanka kale, Cabdullaahi Xirsi Tima Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray madaxda maamul goboleedyada, wuxuuna uu ugu baaqay inay ka hadlaan arrinta Laascaanood, isla-markaana ay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan dagaalka u dhexeeyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Hadalkan wuxuu ku soo aadayaa, ayada oo markale dagaalka Laascaanood uu sii xogeystay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, kadib markii ay labada dhinac ku dirireen bariga iyo galbeedka magaaladaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda u dhexeyso labada dhinac.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana guul darro iyo fashil ku soo dhammaaday dadaalladii nabadda ee la doonayay in lagu qaboojiyo xiisadda dhex-taalla Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here