SSC-Khaatumo oo jawaab rasmi ah ka bixisay dalab ay u dirtay Villa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay mar kale casuumaad u dirtay hoggaanka sare ee SSC-khaatumo ee ku sugan magaalada Laascaanood, halkaas oo dhowr bilood ay ku dagaalamayaan ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka.

 

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad gaar ah u fidiyay odayaasha dhaqanka SSC, kuwaas oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali, si ay uga wada-hadlaan xaaladd Sool, gaar ahaan dagaallada Laascaanood.

Ilo wareedyo lagu kasloonyahay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in haatan hoggaanka SSC ay aqbaleen dalabka dowladda dhexe, isla-markaana odayaasha dhaqanka ay isla-garteen in ergo ay usoo diraan magaalada Muqdisho, si ay ula kulmaan madaxa dalka, kulankaasi oo qorshuhu yahay inuu qabsoomo 27-ka bishan aynu ku jirno May ee 2023-ka.

Go’aankan ayaa waxaa lagu soo warrmayaa inay isla qaateen dhinacyada saameynta ku leh talada deegaanka ee doonaya inay isaga baxaaan kasii mid ahaanshaha Somaliland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in wada-hadalladan uu qayb ka noqon doono ergeyga gaarka ah madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna magaalada Muqdisho haatan ka wado howlo shaqo oo la xariira xafiiskiisa.

Sida qorshuhu yahay Villa Soomaaliya iyo SSC-Khaatumo ayaa diiradda saari doono arrinta Laasacaanood, maadaama dagaalka magaaladaas uu galay dhowr bilood oo xiriir ah.

Dowladda federaalka ayaa horay taageero ugu muujisay odayaasha dhaqanka ee Laascaanood, tan iyo markii uu kacdoonka ka billowday magaaladaasi.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa gurmad u dirtay Laasacnaood, si ay garab istaag ugu muujiso shacabka ay dhibaatada kasoo gaarta colaadaasi.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda haatan u dhexeysa Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama xukuumadda Hargeysa ay dhowr jeer dhaliilo u soo jeedisay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here