Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada ka socota deegaanada Puntland + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Maanta oo ah Khamiis 25 May, sanadka 2023 waxaa dadka reer Puntland ay u dareereen goobaha cod-bixinya, ayaga oo soo dooranaya xubnaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka maamulkaasi.

 

Doorashada ayaa inta badan loo dareeray degmooyinka Puntland, kuwaas oo gaaraya illaa 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada maamulkaasi.

Illaa saddex boqol 19 kun oo qof ayaa la filayaa in ay codkooda dhiibtaan, inkastoo dadka kaararka qaatay ay intaas ka badan yihiin.

Doorashada waxaa ka qayb-galaya todobo urur siyasadeed, waxaase ka soo bixi doona 3 urur, kuwaas oo noqon doona xisbiyo siyaasadeed.

In ka badan 395 goobood ayaa lagu diyaariyay sanaadiiqda doorasahda. Ammaanka magaalooyinka Puntland ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay waaxana goobaha cod-bixinta lagu arkayaa ciidamo sugaya amniga doorashada.

Taliska Booliska ayaa sheegay in dhammaan goobaha cod-bixinta ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, isla-markaana ay xaqiijinayaan amniga guud.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa faafaahin ka bixiyey sababta ay u hakiyeen  doorashadii ka dhici laheyd  degmooyinka Garoowe, Godobjiiraan iyo  Dangorayo ee gobolka Nugaal, waxaana guddigu ay sheegeen in sababo amni awgeed, ay u hakiyeen  doorashadaasi xili ciidamada mucaaradka ay ku sugan yihiin  duleedka magaalada Garowe.

Doorashadan ayaa soo afjareysa xiisad maalmihii u dambeeyay ka taagneyd deegaanada Puntland, waxaana sidoo kale isha ku haya guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here