Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa ka hadlay qodobadii xalay ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

 

Madaxweynaha oo ay hareero taagnaayeen ra’iisul wasaare Xamza iyo qaar kamid ah madax goboleedyada ayaa ka warbixiyay heshiiska ay ka gaareen doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dalka uu ka gaaray nidaamyadii hore, isla-markaana doorashooyinka ay noqonayaan kuwo qof iyo cod ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ka gole ahaan ay bilaabeen qorshahaan, basle talada ay u taallao dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Talada dalka waxaa dib loogu celiyay Shacabka, waa in codkoodu micno yeeshaa” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here