LAASCAANOOD (SMN) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo wajahan qaar ka mid ah isimada dhaqanka SSC-Khaatumo, kuwaas oo wadahadal la yeelan doono dowladda dhexe.
Isimada ayaa ugu dambeyn aqbalay gogol ay u fidisay dowladda Soomaaliya, taas oo looga hadli doono arrinta Laascaanood iyo masiirka shacabka ku dhaqan gobollada SSC.
Wararka ayaa sheegaya in Muqdisho ay ku soo wajahan yihiin odayaasha kala ah:- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Cbadisalaan Xasan Maxamed, Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed iyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullahi .
Ujeedka safarkooda ayaa sidoo kale salka ku ahay in deeqaha beesha caalamka ay siiso Soomaaliya, sidii qaybtooda toos loogu wareejin lahaa guddiga SSC-Khaatumo.
Sidoo kale waxaa wadahadalka qayb ka ah in dowladda dhexe ay aqoonsato maamulka cusub ee saddexda gobol ee Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Ammaanka isimada ayaa aad loo adkeyn doonaa inta ay joogaan magaalada Muqdisho oo ay kula shiri doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya,
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in wada-hadalladan uu qayb ka noqon doono ergeyga gaarka ah madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna magaalada Muqdisho haatan ka wado howlo shaqo oo la xariira xafiiskiisa.
Dowladda federaalka ayaa horay taageero ugu muujisay odayaasha dhaqanka ee Laascaanood, tan iyo markii uu kacdoonka ka billowday magaaladaasi.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa gurmad u dirtay Laasacnaood, si ay garab istaag ugu muujiso shacabka ay dhibaatada kasoo gaarta colaadaasi.
Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda haatan u dhexeysa Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama xukuumadda Hargeysa ay dhowr jeer dhaliilo u soo jeedisay dowladda dhexe.