Madaxweyne Museveni oo hanjabaad diray kadib weerarkii Buulo-Mareer

0

KAMPALA (SMN) – mMadaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerar ku billowday qaraxyo oo maalin ka hor ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen saldhig ay Ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer oo qiyaas ahaan 120km dhanka koonfur galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in dagaal yahano gaaraya 800 oo ka mid ah Al Shabaab ay gudaha u galeen xerada, kadib qaraxyo ay ku dhufteen albaabka hore ee saldhiga.

Museveni ayaa tilmaamay in cabsi la soo daristay ciidankiisa ay u fududeysay Al Shabaab in ay cagta mariyaan saldhiga, islamarkana qabsadaan hubkii halkaasi yaallay oo ay ku jireen kuwa lidka diyaaradaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha wuxuu qiray Al Shabaab ay burburiyeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidankiisa kadib markii ay la wareegeen saldhigooda ku yaalla Degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Sh.Hoose.

Madaxweyne Museveni ayaa ku hanjabay in Al Shabaab ay ka qoomameyn doonaan weerarkii ay ku qaadeen ciidankiisa.

Si-kastaba, weerarkan oo ka dhacay 26kii bisha ayaa Ururka Al Shabaab waxay sheegteen in ay ku dileen ugu yaraan 137 ka mid ahaa askartii ku sugneyd xerada, halka kuwa kalena nolosha ku qabteen sida au hadalka u dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here