MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka lugta ee Uganda ayaa ugu baaqey askarta UPDF inay cabsida joojiyaan, islamarkaana si geesinimo ah ula dagaalamaan Al-Shabaab.
Jeneraal Kayanja Muhanga oo la hadlayay Ciidanka Uganda ayaa sheegay in uu wado baaritaan ku saabaan weerarkii Jimcihii ka dhacay degaanka Bulo-Mareer oo askar badan uga dhimatay dowladda Uganda.
Wuxuu xusay in askarta looga baahan yahay inay wajahaan Al-Shabaab, si dhiiran, islamarkaana aysan baqdin iyo argagax muujin marka saldhigyada lagu soo weeraro.
Dowladda Uganda ayaan wali shaacin tirade askarta looga dilay weerarkii Bulo-Mareer, oo ahaa mid xoogan oo Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay 137 Askari, kuwa kalena ay nolosha ku qabatay.