Xujeyda Soomaaliyeed oo xaalad adag ay ku heysato Boqortooyada Sacuudiga

0

MADIINA (SMN) – Wararka laga helayo dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah xujeyda tegtay dalkaas uu ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Madiina, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

 

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Jimcaale ayaa ku dhintay shil baabuur, waxaana maydkiisa la geeyay mid kamid isbitaalla ku yaalla dalkaasi.

Xasan Maxamuud ayaa 50 sano jir ahaa, mana jiro wax faah faahin oo laga helay qaabka uu u dhacay shilka uu ku geeriyooday.

Dhinaca kale xujeyda Soomaaliyeed ee haatan ku sugan Boqortooyada Sacuudiga ayaa  wajahaya xaalad kale oo adag, sida ay ogaatay Shabelle.

Xujeyda ayaa intooda badan la’isugu geeyay dhismo ka kooban 5 dabaq, waxaana ku dhacday Koronto la’aan, taas oo keentay inay xaalad daran wajahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Kuleel daran mugdi, iyo wiishka oo aan shaqeyneyn ayay wajahayaan Xujeydu, maadaama la dajiyay dhisme dabaq ah oo ay korontadu ka maqan tahay.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinaya Xujeyda oo aad uga cabanaya arrintaasi, maadaama ay qaarkood ku neef qaba toobeen goobta.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxaya dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga oo ku aadan cabashada kasoo yeereysa Xujeyda Soomaaliyeed, oo haatan xaalad adag ay ku heysato hoteelkii la dajiyay.

Horay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u sheegtay in lala xisaabtami doono shirkadaha ka shaqeeya adeegga Xajka, waa haddii aysan si wanaagsan ugu shaqeynin Xujeyda sanadkan, kuwaas oo markii hore tartan furan u galay inay u adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee soo gudanaya Xajka oo ah rugni ka mid ah arkaanta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here