BELGRADE (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Belgrade kulan kula qaatay Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Serbia.
Duqa Muqdisho iyo Ardeyda ay iska xog wareystay guud ahaan xaalada dalka, gaar ahaan Caasimadda. Asagoo ugu warbixiyay ardeyda Horumarada ka socda Muqdisho, waxaa uuna halkaasi kaga dhageystay ardeyda talooyin iyo fikrado lagu dardar gelinaayo Horumarka Caasimadda.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Ardeyda in ay muujiyaan dadaal iyo karti ay kaga faa’iideystaan fursadaha Waxbarasho oo ay heleen, isaga oo Ardeyda xusuusiyay in uu sugayo dalkooda.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha Xariirka Dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Xasan iyo xubno kale oo ka socday Safaarada Soomaaliya.