Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duleedka Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay markale dagaal culus uu ka qarxay duleedka bari ee magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay aagga buuraha Hodan iyo Sayidka, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac, waxaana la sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidanka milatariga Somaliland.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana ay weli xaalad adag ka taagan tahay bariga Laascaanood.
Sidoo kale waxaa jirta duqeyn xoogan oo barbar socotay dagaalkan, ayada oo labada dhinac ay is weydaarsadeen madaafiic xoogan.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo markale ka hadlay xiisadda Laascaanood ayaa sheegay in dagaalka uu sii socon doono, isla-markaana la is baran doono.
Si kastaba, xaaladda magaalada Laascaanood ayaa daganeyd muddooyinkii u dambeeyay, balse dagaallada ayaa haatan markale dib u billowday, kuwaas oo ku sii fidaya deegaano horleh oo ka tirsan isla gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here