KAMPALA (SMN) – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo kulan gaar ah la qaatay taliyeyyaasha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan howgalkan oo ay qayb ka yihiin ciidamadiisa.
Yoweri Museveni ayaa si weyn u dhaleeceeyay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka duqeymaha oo uu ugu horreeyo Mareykanka, wuxuuna ku eedeeyay in aysan taageero ka helin xilliyada ay ciidamadooda la dagaalamayaan xoogaga hubeysan ee kooxda Shabaab.
Wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay ciidamada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya kaga howlgala diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah in aysan wax jawaab ah ka bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.
Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay ku qasban yihiin inay soo iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, si ay u adeegsadaan ciidamadiisa ku sugan gudaha Soomaaliya oo weeraro culus kala kulama Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weerarkii Buulo-Mareer Uganda looga dilay ugu yaraan 54 askari, halka Al-Shabaab ay shaaciyeen inay ka dileen illaa 137 askari oo ku sugnaa xeradaas oo gebi ahaan cagta la mariyay, isla-markaana laga qaatay hub badan.