Wararkii ugu dambeeyay xiisadda dagaal ee maanta ka taagan magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

Xiisadda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ka sii dartay, waxaana ciidamada ka amar qaata mucaaradka ay la wareegeen waddooyinka u dhow xarunta baarlamaanka.

Sidoo kale ciidamada hubeysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyadaas oo salka ku haya muranka ka dhashay furista dastuurka maamul goboleedka Puntland.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamada ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka iyo weliba kuwa ammaanka ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here