GAARISA (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya lagula beegsaday qaybo kamid ah gobolka Lamu ee dalkaasi
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kolonyo ay wateen ciidamadan loo dhigay, xilli ay ku socdaalayeen agagaarka deegaanka Pandanguo.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiroi dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 3 askari ayaa ku dhintay weerarkan oo ay sheegatay Al-Shabaab, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Ciidamada la qarxiyay ayaa socdaalkooda sii watay, waxaana saraakiisha ammaanka kenya ay shaaciyeen inay weli wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi.
Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.