Weerar khasaare geystay oo ka dhacay gudaha degmada Bardaale

0

BARDAALE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay.

 

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay suuqa xoolaha ee degmadaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada amniga iyo ragga weerarka qaaday.

Xilliga uu dagaalka bilaabanayay waxaa socday imaatinka bulshada halkaasi subax waliba uĀ  ganacsi taga halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana dib u laabtay xubnaha Al-Shabaab ee saaka weerarka ku qaaday gudaha Bardaale ee gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here