MUQDISHO (SMN) – Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay guddoomiyay shir muhiim ah oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimadda, ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan saraakiisha laamaha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray munaasabadaha isa saaran ee Ciidul-Adxaa iyo todobaadka xorriyadda oo fooda innagu soo hayo, kuwaas oo haatan looga diyaar garoobayo magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Bamaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkooda, isaha oo sheegay inay ku falanqeeyeen xoojinta caasimadda.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho howlgallada ciidamada xasilinta ee Boolis Milataaro, kuwaas oo isku fidiyay gudaha caasimadda iyo hareeraheeda.