MUQDISHO (SMN) – Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kullan muhiim ah la qaatay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.
Kulanka ayaan diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal, iyo dardargalinta wada-hadallada DFS iyo Somaliland.
Ergayga ayaa safiirka dowladda Qatar uga warbixiyay Mowqifka DFS iyo sida ay uga go’antahay xal u helidda Arrimaha Somaliland, Safiirka ayaa dhankiisa muujiyay in ay dowladda Qatarbdiyaar u tahay garab istaag buuxa iyo taageero dhab ah iyo sidoo kale ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.
Guuleed ayaa horay ula kulmay safiirka dowladda Sacuudiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almuwallad, waxay isna ka wadahadleen xoojinta iskaashiga labad dal iyo derdergalinta wadahadallada DFS iyo Somaliland.
Sidoo kale eregya ayaa safiirka uga warbixiyay halka ay marayaan dedaalada lagu xoojinayo wadahadallada DFS iyo Somaliland, iyo sida ay dowladda uga go’antahay xal u helidda Arrimaha Somaliland, dhigiisa Safiirka ayaa muujiyay in ay dowladda Sacuudiga diyaar u tahay garab istaagga iyo taageeridda ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.