Ciidamada ammaanka DFS oo soo xiray rag ka ganacsanayay maandooriyaha

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Mahadi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad badan oo ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, kadib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

 

Ragga la soo qabtay ayaa waxa uu sheegay in qaarkood ay lacago badan ka sameeyeen ka ganacsiga maandooriyaha, isla-markaana ay sameysteen ilaalo gaar ah, balse waxa uu tilmaamay inay ka daba tageen, kadibna ay soo xireen.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dadaalkooda, isla-markaana Muqdisho ay ka ciribtiri doonaan dhammaan waxyaabaha maanka dooriyaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray askarta dowladda ee isticmaala maandooriyaha, wuxuuna xusay in qudhooda tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa indhowaanahaan ka socday howlgallo ballaaran oo lagula dagaalamayay waxyaabaha maanka dooriya, burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada, kuwaas oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here