MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Beerta Faay Yuusuf ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaasi lagu dilay illlaa 45 ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab.
“Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-Shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.
Sida lagu sheegay bayaanka dowladda, Al-Shabaab ayaa ‘maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose’ balse Sirdoonka NISA ay heleen xogta weerarkaas.
“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka goβan in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Federaalka.
Howlgalkan ayaa qayb ka noqonayo bartilmaameedka ay dowladda Soomaaliya ku heyso xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.