Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo war cusub ka soo saaray xiisadda Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xiisadda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo haatan sidii hore ka soo roonaneyso.

 

Jaamac ayaa shaaciyay in xiisaddan la siyaasadeeyay, isla-markaana ay farageliyeen siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay sii huriyeen colaadda ka taagan magaaladaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada amniga, isaga oo faray inay ka digtoonaadaan shaqsiyaad uu sheegay inay kala qu-qubayaan ciidanka, si ay isaga horkeenaan, kadibna ay uga faaideystaan dano siyaasadeed oo ay leeyihiin.

Xiisadda Baraawe ayaa waxaa ku baxay saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo haatan ku howlan baarista sida ay wax u dhaceen, si loo soo afjaro colaaddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here