Sawirro: Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska Haramcad ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan agagaarka degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Howlgalladan oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamadu ay ku gaareen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida ay shaaciyey saraakiisha hoggaamineysa howlgallada.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay cagta marayeen jidgooyooyin u yaallay Al-Shabaab, isla-markaana ay lacago uga qaadi jireen, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo duleedka magaalada Afgooye.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ay haatan ka socdaan howlgallada xoreynta ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here