Ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland oo weerar ku qaaday Al-Shabaab

0

DHOOBLEY (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Ciidamada ayaa si gaar ah u weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ah, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Goobta ay beegsadeen ciidamada huwanta ayaa la sheegay in ay Al-Shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan fariisimada ciidamada ee ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan howlgalka ka dhacay duleedka magaalada Dhoobley.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa kordhiyay dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada hoostaga Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here