MUQDISHO (SMN) – Hay’ad fadhigeedu yahay Mareykanka oo ka shaqeysa arrimaha caaladaha iyo aruurinta xogta isku dhacyada ayaa sheegtay in Is-qab-qabsiga siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya uu wiiqayo dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirtay Al-Shabaab dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Warbixinta hay’adda ACLED ayaa lagu sheegay in Duulaanka wajigiisii labaad oo la qorsheeyay dhawaan inuu ka bilowdo gobollada koonfureed uu khatar ugu jiro inuu dib u dhaca maadaama sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee kasoo ifbaxaya hadda qeybo kamid ah dalka.
Guulihii laga gaarey wajiga 1aad ee dagaalka oo dowladda dib ugula wareegtay deegaanno istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab ka maamulaysay Hirshabeelle iyo Galmudug aysan noqon Karin kuwa mira-dhala, hadii aan lagu guuleysan dib u xoreynta wadanka oo dhan.
Arrimahaha laga digay waxaa kamid ah Muran ka taagan gobolka Hiiraan oo u dhaxeeya madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyihii gobolka Cali Jeyte, kaasoo dhalin kara dagaal fursad siinaya Al-Shabaab.
Khilaafka Cali Jeyte iyo Cali Guudlaawe oo salka ku haya canshuur qaadista gobolka Hiiraan ayaa circa isku sii shareeraya kadib markii maamul cusub looga dhawaqay Beledweyne. Khilaafka ayaa sii xoogeystay markii madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka 16-kii June.
Dhanka kale, waxaa sidoo kale gobollada Shabeellaha Hoose, Nugaal, iyo Gedo ka dhashay khilaafaad beeleedyo oo salka ku haya awoodaha deegaanka, taasoo sii murjisay siyaasadda Soomaaliya, oo aan lahayn sal fadhiya.
Muranka siyaasadeed ayaa hakad geliyay wejigii labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixinta, waxaana taasi keentay in bilihii lasoo dhaafay uu yaraado weerada ay ciidamada dowladda ku qaadaan goobaha ay maamusho kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, markii ay Ciidanka Midowga Afrika ay billaabeen ka bixitaanka Soomaaliya, ayaa waxaa sii kordhayay weerarada Al-Shabaab. Waxaa cad in Al-Shabaab ay ka faa’ideysanso khilaafyada siyaasadeed oo u aragta fursad ay dib isugu soo abaabulaan, islamarkaana ku qorsheeyaan weeraro culus.
Ugu dambeyn, Warbixintan ayaa lagu falanqeeyay qalalaasaha siyaasadeed ee kala duwan ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leeyihiin dhaqdhaqaaqyada al-Shabaab ee ka socda guud ahaan dalka.
Arrimaha ugu waaweyn ee hadda dalka ka taagan ayaa ah dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood, khilaafka gobolka Gedo iyo midka u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Puntland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ololaha doorashadda 2022 kusoo galay hal-ku-dhigga Soomaaliya oo heshiis ah, dunida heshiis ah, waxaana shacabka ka sugayaan balan-qaadkiisa inuu ka dhabeeyo, oo ficil u bedel kahor inta uusan mudo xileedkiisa afarta sano dhamaan.