Jubbaland oo ka hortimid in dalka laga saaro ciidamada howlgalka ATMIS

0

KISMAAYO (SMN) – Dowlqd goboleedka Jubaland ayaa walaac xooggan leh ka muujisay qorshaha  bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas haatan bilaabay inay wareejiyaan qaar kamid ah xeryaha ay ku sugnaayeen.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay VOA ayaa ka horyimid qorshaha ciidamada ATMIS looga saarayo gudaha dalka, maadaama la filayo in dhammaadka sanadka soo socda ay isaga huleelaan Soomaaliya.
Sayid Aadan ayaa  tilmaamay in qorshahan aan laga fiirsan, isla-markaana uu saameyn ku yeelan doono  amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii aan laga fiirsan arrintan i  ay keeneyso inay soo rogaal celiyaan Al-Shabaab, sida uu ku dooday madaxweyne ku xigeenku.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in uu billaabay dhimmista tirada ciidamada si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa imaaneysa ayada oo weli ay socdaan weerarada dhimashada leh ee Al-Shabaab ku qaadayso degaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here