Kenya oo wado qorsho ay ku joojinayso weerarada Al-Shabaab

0

NAIROBI [SMN] – Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa booqasho ku tagay gobolka waqooyi bari, isagoo wada hadalo la yeeshay guddiyada amniga, sirdoonka, hoggaamiyeyaasha dadka deegaanka oo ku saabsan sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

 

Wuxuu booqay Wajeer, Mandhera, iyo Garissa, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada.

Waxa uu wacad ku maray in ay ka adkaan doonaan dhaq dhaqaaqyada Al Shabaab ee ay ka wadaan deegaankaasi.

“Dowladdu waa ay ka adkaan doontaa al-Shabaab iyo dhammaan xagjiriinta rabshadaha wata ee sii wada khatarta ay ku hayaan amniga qaranka iyo khalkhal gelinta bulshooyinka Waqooyi Bari Kenya,” ayuu yiri.

Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen tuulo ku taalla magaalada Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen hal qof, iyadoo laba kalena ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Kooxda burcadda ah ayaa subaxnimadii Isniinta weerar ku qaaday degmada Buula Hodan ee degmada Waaberi, sida ay booliisku sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here