Taliska howlgalka ATMIS oo faahfaahin ka bixiyay qorshaha bixitaankooda

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska guud ee ciidanka howlgalka ATMIS ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qorshahooda ku aadan ka bixitaanka Soomaaliya, kaas oo haatan billowday.

 

Mohamed El-Amine Souef oo ah madaxa howlgalka ATMIS ayaa shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha wuxuuna sheegay inay bilaabeen qorshaha bixitaanooda, isaga oo xusay inay haatan wareejiyeen illaa todobo saldhig oo ay la wareegeen ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Xerooyinkan ay wareejiyeen ayaa kala ah;- Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF).

Si kastaba, talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha kala guurka ee ay ciidamada ATMIS uga baxayaan gudaha Soomaaliya, kaas oo ku eeg dhammaadka sanadka soo socda 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here