Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo digniin culus u diray bahda garsoorka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Ismaaciil, oo maanta wariyeyaasha ugu warramay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa ee haatan socda.

Guddoomiyaha ayaa farriin u diray bahda garsoorka, wuxuuna uga digaan inay ku kacaan falal la xiriira musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.
Sidoo kale, wuxuu ka dalbaday xubnaha ka shaqeeya garsoorka inay ka fogaadaan eex, maadaama ay yihiin waxa laga rabo cadaalad iyo inay bulshada ugu shaqeeyaan si hufan.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay billowday dagaal culus oo ka dhan ah musuq-maasuqa, kaas oo lagu soo xiray mas’uuliyiin badan, kadib markii loo soo jeediyay eedeymo la xiriiro xatooyo xoolo dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here