KISMAAYO (SMN) – Sarkaal sare oo u hadlay taliska milatariga Maraykanka ee AFRICOM ayaa ka warbixiyay qarax maanta ciidamadooda lagula eegtay duleedka Kismaayo.
Sarkaalkan ayaa shaaciyay in saaka kolonyo milatari oo ay la socdeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay la qaraxday miino la dhigay waddada dhinaceeda.
Sidoo kale waxa uu beeniyay wararka sheegaya in uu khasaare soo gaaray ciidamadooda iyo kuwa Danab ee lagu qarxiyay halkaasi.
Al-Shabaab oo ayadu sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa shaaca ka qaaday inay dhamasho iyo dhaawac ku gaarsiisayu kolonyada Mareykanka.
Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada huwanta ay sii wateen socdaalkooda, kadib qaraxa lala eegtay.