Booliska Soomaaliya oo shaaciyay inuu ka hortegayo weerarada hoobiyeyaasha

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo laalaabtay weerarada hoobiyeyaasha ee lagu soo tuuro qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Maalin dhaweyd ayay ahayd markii saddex carruur ah iyo Aabahood ay ku geeriyoodeen madfac ku soo dhacay hoygooda, taasi oo argagax ku abuurtay bulshada Caasimadda.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in uu  wax ka qaban doono hoobiyeyaasha laga soo tuuro qeybo kamid ah Muqdisho, laguna weeraro xaafado kale oo kamid ah isla Caasimadda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Duudishe oo hadal jeediyay ayaa sheegay in doorkooda koowaad uu yahay wax ka qabashada hoobiyeyaasha isaga oo tilmaamay in ay jiraan dad iyagu u xir xiran.

Inta badan hoobiyeyaasha ku dhaca xaafado kamid ah Muqdisho ayaa lagu weeraraa xarumaha muhiimka ah ee dowladda, sida Xarunta Madaxtooyada Qaranka, Garoonka Aadan Cadde iyo gooba kale, iyagoo saameyn ku yeeshay dadka dagan meelaha u dhow xarumahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here