Kenya oo askar looga dilay weerar ka dhacay magaalada Mandheera

0

NAIROBI (SMN) – Faah faahin ayaa ka soo baxaysa khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerar ay dagaal yahanada Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

Weerarkan oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Wargaduud ayaa sida la sheegay waxaa lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo 3 ka mid ah ay ahaayeen askari ka tirsan ciidanka Booliska dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in dagaal yahanada Al Shabaab ay burburiyeen saldhiga Booliska Wargaduud iyo hal gaari oo nuuca dagaalka, halka mid kalena ay qabsadeen.

Sidoo kale, weerarkan ayaa lagu burburiyay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay Degaanka Wargaduud ee Magaalada Mandheere.

Dhinaca kale, bayaan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyaddii weerarkii ka dhacay Degaanka Wargaduud, iyadoona qoraalka Al Shabaab lagu xusay in khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ay gaarsiyeen Ciidanka Booliska Dalka Kenya.

Ilaa hadda majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Booliska Dalka Kenya oo ku aadan weerarkii lagu qaaday ciidankooda ku sugan Degaanka Wargaduud ee Magaalada Mandheera.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii Al Shabaab ay sheegteen in ay dib u qabsadeen Degaanka Giriley ee Gobolka Gedo, kaasi oo dhowaan Ciidanka Kenya ay ku wareejiyeen Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Degaanka Giriley ayaa ka mid ahaa illaa lix goobood oo ay ka soo baxeen Ciidanka ATMIS, maadaama 2,000 oo ka mid ah Ciidanka Nabad Ilaalinta laga saarayo dalka Soomaaliya kadib heshiis dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Todobaadkii la soo dhaafay Dowladda Kenya ayaa dib u dhigtay furitaanka xuduudka kala dhexeeya Soomaaliya kadib markii ay kordhiyeen weerarada Al Shabaab ka gesysato Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Tan iyo bishii la soo dhaafay, ku dhowaad 15 askari oo ka mid ahaa Ciidanka Kenya ayaa lagu dilay weeraro gaadmo ahaa iyo qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalooyinka Mandheera, Gaarisa iyo Laamu ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Si-kastaba, hoggaanka ugu sarreeya Al Shabaab ayaa wacad ku maray in ay kordhin doonaan weerarada ay ka geystaan dalka Kenya, haddii Xukuumadda Nairobi aysan Ciidankeeda kala bixin gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here